Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo Maamulka Gobolka Banaadir faray in ay wax ka qabtaan biyaha roobka ee yaalla qeybo kamid ah wadooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in ay si deg deg ah wax uga qabtaan roobka jaray qaar kamid ah waddooyinka.

Ra’iisul wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlay Amniga ayaa yiri “waxaan farayaa Maamulka Gobalka Banaadir in ay si degdeg ah uga jawaabaan fariimaha shacabka Muqdisho naga soo gaaraya”

Sidoo kale, isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri.

“Ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ee ku sugan deegaanadda ay saamaysay roobabka iyo daadadka El-nino waa inay si degdeg ah qayb uga qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka iyo caruurta isugu jira” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre