Somali News

Raxma Salaad oo noqotay Haweeneydii ugu horeysay oo taliye looga dhigo mid ka mid ah Saldhigyada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Maalmihii dambe Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ka hawlgalada saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir.

Isbadaladaas ayaa markii ugu horeysay waxaa laga diiwaan geliyay in taliye saldhig ay ka noqotay mid kamid ah Haweenka Soomaaliyeed oo hadda ay noqotay Raxma Salaad Taliyaha saldhigyada  degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Magaacaabida Raxma Salaad ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo Sarkaal Haween ah loo magacaabo taliye Saldhig inay noqoto.

Gen. Bashiir ayaa saldhigayada qaar u magacaabay Taliyeyaal cusub, halka qaar kalena isku shaandheyn lagu sameeyay oo la isku bedelay sida lagu sheegay qoraal  ka soo baxay xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska.

Halkaan ka Akhriso magacyada Taliyayaasha cusub iyo degmooyinka loo kala magacaabay.

1.Taliyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xabad.

2.Taliyaha cusub ee degmada Shangaani ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Raxma Salaad.

3.Taliyaha cusub ee degmada Shibis ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Macalin Daahir.

4.Taliyaha cusub ee degmada Boondheere ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Saciid oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Shangaani.

5.Taliyaha cusub ee degmada kaaraan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Canjeex oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Wartanabadda.

6.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Jajab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Jimcaale.

7.Taliyaha Booliska degmada C/casiis ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Axmed Baashane.

8.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Maxamed.

Taliyeyaashan cusub ee loo magacaabay qaar ka tirsan saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaradii wax baratay ee ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliya.