Somali News

Rooble oo fulinta qodobo ka mid ah heshiiskii doorashada ka dalbaday madaxda DG

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada ka codsaday inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Warqadaan oo loo diray madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu xusay in la dhaafay waqtigii soo magacaabista guddiyadan oo ku beegneyd 10-kii bishan.

Sidoo kale warqaddan ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada looga dalbaday inay ugu dambeyn 20-ka bishan October soo gudbiyaan magacyada xubnaha guddiyadaas.

Hoos ka akhriso