Somali News

Ruushka oo duqeymo culus ka fuliyay Bariga Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa xoojiyay duqeynta ay ka wadaan barriga wadanka Ukraine, waxaana isi soo taraya khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhashay duqeymahaasi.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, tiro intaasi ka badana waa ay dhaawacmeen ka dib markii Ciidamada Ruushka ay weerar duqeyn ka geysteen Magaalada Mykolaiv.

Duqa magaalada ayaa sheegay in dadka dhaawaca la geeyay Isbitaalada magaalada, kuwaasi oo lagu dabiibayo Xaaladooda Caafimaad.

Ruushka ayaa weli sii wada dagaalka Ukraine oo 100 maalmood ka badan ka socda dalkaasi, isla markaasna sababay khasaare dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac badan.