Somali News

RW Rooble oo magacaabay guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Cali Khaliif

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo qaban qaabiya aas Qaran oo Muqdisho loogu sameynayo marxuum Cali Khaliif Galeyr ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xubnaha guddiga ee uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka kooban seddax xubnood, waxaana warqadda lagu magacaabay ku xusan waajibaadka loo igmaday eek u saabsan aaska marxuumka.

Sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana ku wehliya sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo sii-hayaha wasiirka kalluumeysiga Cabdullahi Bidhaan Warsame.

Hoos ka akhriso warqadda