Somali News

Sacuudiga oo haweenka u ogolaaday in ay xajka tagaan maxram la’aan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa shaacisay in haweenka dalkaasi ay isu diiwaangelin karaan xajka sanadkan iyagoo maxram la’aan ah.

Haweenka loo ogolyahay gudashada waajibaadka xajka, ayaa da’adooda u dhaxeysaa 18-65 sano jir.

Bayaan sabtidii ka soo baxay wasaaradda xajka iyo cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in xajka sanadkan loo ogolaan doono 60,000 oo qof oo ku nool Sacuudiga.

Diiwaangelinta xujeyda ayaa bilaabatay Axadii 13-kii bishan June, waxaa ayna ku egtahay 23-ka bishan.