Somali News

Sacuudiga oo marti galinaya shir deg deg ah oo looga hadli doono Xaaladda Qaza

Dowladda Sacuudiga ayaa marti galin doonta shir madaxeedka wadamada Carabta, Islaamka iyo Afrika si looga hadlo dagaalka Israel ay ku hayso Qaza.

Wasiirka maalgashiga Sacuudiga Khalid Al-Falih ayaa sheegay in Sacuudiga uu marti galin doono kulanka deg dega ah, si loo xalliyo xiisadda Falastiin iyo Israel.

Sidoo waxaa uu sheegay in ay ka soo qeyb gali doonaan dhammaan dhinacyada ay quseyso.