Somali News

Saddex xubnood oo iska casilay xubinimada Guddiga doorashada Somaliland

Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in xubnihii ugu dambeeyay ee ka tirsanaa guddida Doorashooyinka Somaliland ay maanta gubiyeen iscasilaadooda, xili xukuumadda Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka uu u dhaxeeyo khilaaf cirka isku sii shareeray oo la xiriira qabashada doorashada Madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar oo dhamaantood ka tirsanaa Guddiga doorashada Somaliland ayaa la sheegay inay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay u gudbiyeen warqadahooda iscasilaada, iyadoo xubnahaasi ay noqonayaan kuwii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqa iscasilaada guddigaas.

Kal hore Saddex xubnood ayaa iska casilay guddida doorashooyinka Somaliland, halka xubinta xisbiga UCID-na aanu weli Golaha Wakiilada ansixin.