Somali News

Safiirka dowladda UK u fadhiya Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

Kismaayo-KNN-Safiirka Dalka Ingiriiska u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa maanta Gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Garoonka Diyaarahada ee magaalada Kismaayo ayaa Waxaa kusoo Dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) soo dhaweynta Ka Dib waxaa u bilaawday kulan ay Saxaafaddu dibad joog ka tahay.

Kulankaas ayaana xiligaan waxaa uu ka socdaa Hoolka Nasashada ee Garoonka Kismaayo, waxaana lagu wadaa in markii uu soo dhamaado kulankaas ay mas’uuliyiintu Warbaahinta la hadlaan.

Dhanka kale Safiirka ayaa u balan qaaday Bulshada rayidka ee deegaanada Jubbaland in uu kulan la qaadan doono marka uu u soo dhamaado kulanka uu laleeyahay Madaxweynaha Jubbaland.