Somali News

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya oo war kasoo saaray Dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab

Gudiga ku-meel-gaarka ah ee Ciidamada Amaanka ayaa shaaca ka qaaday in la dilay in ka badan 800 oo ka tirsan Dagaalamayaasha al-Shabaab, kuwaa oo  24 ka mid ah ay ahayeen horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu dilay hawlgalada ay qaadeen Ciidamada ammaanku, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay DDS.

Taliyaha guud ee Xoogga Ciidanka Gaarka ah ee DDS Jeneraal Maxamed Axmed iyo Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Difaaca Qaranka ahna Isu-duwaha gudiga Ku meel- gaadhka ah ee Amniga, Major General Tesfaye Ayalew oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayeen inay gudaha u galaan dalka Itoobiya, islamarkaana gabi ahaanba falkoodi lagu fashiliyey talaabadii ay ciidamada amniga oo shacabka DDS kaashanaya ay ka qaadeen.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay hub badan oo ay ay wateen Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Major General Tesfaye ayaa cadeeyey in Cadawga dibada oo kooxaha Nabaddidka gudaha kaashanaya dadaal badan ku bixinayeen sidii ay Itoobiya u khalkhal galin lahaayeen, Kadib Markii qorshihii ay wateen uu kasocon waayay, ayna sameeyeen isku dayo aan waxba ka jirin oo ay Al-Shabaab gadaal kaga taageerayaan.

Dhankiisa Jeneraal Maxamed Axmed Maxamuud Taliyaha guud ee Xoogga Ciidanka Gaarka ah ee DDS, ayaa cadeeyey in ujeedad kooxaha Argagixisadu tahay, isku day lagu doonayo in lagu carqaladeeyo hawlaha horumarineed ee Dalka iyo Deegaanka ba.

Sidookale Jananka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayday in ay weeraro ka geysato deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya iyagoo qaar ka mid ah ay wateen 16 Baabuur, qaarna ay si dhuumasho ah Xadka uga soo gudbeen.

Ugu damabayn saraakiisha ayaa sheegtay in Ciidamada Cirka Dowladda Federaalku ay duqeymo la beegsadeen bartilmaameedyo gaar ah oo kooxda saldhigyo u ahaa, isla markaana la burburiyay Agabkii, Saadka iyo keydkii Hubka ee kooxda Argagixisadu ay  qorsheynaysay inay muddo dheer adeegsadaan.