Somali News

Weerar lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-shabaab & dagaalameyaal kale oo ka dhacay G/Bakool

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ku dilay sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa hoggaaminta jabhada gobollada Bay iyo Bakool, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah ugu fuliyay degaanka Ceelcuni oo qiyaastii 65-KM u jira degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sarkaalka weerarka lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Nuur Gacal, sidoo kale waxaa lala dilay ku dhawaad 10, sida ay sheegeen sarawkiisha howlgalka hoggaamineysay.