Somali News

Sarkaal NISA ku leh Awood badan oo laga diiday Iscasilaad, kana hadlay weerarkii lagu qaaday Fahad Yaasiin

Isbedelka ka dhacay dalka ee durba saameeyay hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA waxaa uu sabab u noqday hadal heynta saraakiil badan oo awood ku lahaa guud ahaan dalka iyo si gaar ah Nabad sugidda.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa lala socday in la bedelay taliyaashii NISA ee Gobolka Banaadir, Garoonka Aadan Cadde iyo Waaxyo kale oo muhiim ah, waxaana soo baxay xogo sheegaya in taliyihii dabagalka NISA korneyl Cabdullahi Dheere uu dalbaday in uu ruqsad iscasilaad toos ah ka qaato shaqadii uu Nabad sugidda Soomaaliya ka hayay.

Agaasimaha cusub ee NISA la wareegay Mahad Salaad ayaa wararku sheegayaan inuu Cabdullahi Dheere ka diiday istiqaalada, waxaana sidoo kale dalbaday fasax, hase ahaatee wali lama oga jawaabta la siiyay taliyihii dabagalka ee awooda badan lahaa shantii sano ee Farmaajo xukunka hayay, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Korneylka ruqsada NISA laga diiday ee Cabdullahi Daahir kuna magac dheer Cabdullahi Dheere ayaa lagu tilmaamaa nin aan badanaa soo muuqan, gudaha iyo dibadda ku leh saaxiibo adag, sidoo kale wuxuu shantii sano ee Farmaajo kooxdiisi la qabtay shaqooyin badan, balse ugu danbeyn dadkii la gediyay ayuu kamid noqday.

Inuu ka soo horjeeday Farmaajo ayay xogihi soo baxay doorashada kahor sheegayeen, waxaana xogta la helay ay tilmaameysaa inuu qeyb ka ahaa dadki sida hoose uga qeyb qaatay doorashada madaxweyne Xasan Shiikh, isaga iyo saraakiil kale ayaana lacag badan ku dhex qeybinayay gaadiidka aan xabadu karin ee buruufta loo yaqaan.

Maanta hadal heynta dhinaca sirdoonka Soomaaliya waa weerarka la sheegay in lagu qaaday gurigii uu daganaa Fahad Yaasiin , Taliyihii hore ee NISA ahaana Milkiilihii dowladda ee Rooble uu saaxadda ka saaray, waxaana ciidamadii joogay la tilmaamay in laga watay iyaga iyo gaadiid guriga yaalay, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Tilaabada lagu tagay gurigi Fahad Yaasiin waxaa durba ka horyimid in ciidamada loo celiyana dalbaday saraakiil ay ugu horeeyaan Cabdullahi Dheere iyo Liibaan Cabaas, waxay ku tilmaameen Fahad inuu xaq u leeyahay ciidamo ilaalo u ah oo hey’adda ka socda.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa maalmahan wada dib u eegis ku saabsan hanaankii shaqo ee nabad sugidda Soomaaliya oo dhaliil muteysaneysay waayihii danbe,

Korneel Cabdullahi oo istiqaalada uu gudbiyay aan laga aqbalin ayaa kamid ah xubnaha fara ku tiriska ah ee wax badan ka og kiisas waa weyn oo dalka ka dhacay uguna horeeyaan beegsi saraakiil, Maqnaashaha Ikraan Tahliil iyo askartii loo qaaday Eritrea, iyadoo Korneylkan 28-jirka ah ee dowlad deegaanka ku dhashay uu 2007 ilaa 2010 kamid ahaa urur diimaadyadii soo maray dalka.

Dad badan waxay eegayaan sida ay u dhacaan isbedelada hey’adaha amniga, qaaar kale oo badan waxay isku dayayaan ku lug lahaanshaha maamulka cusub, saraakiisha NISA iyo kuwa ciidamada kale waxa ugu weyn ee hor yaala waa nabad deynta guud dalka iyo xaqiijinta amniga si gaar ah Muqdisho.