Somali News

Sawirro: Ciidamada Amisom oo gaaray Dhuusamareeb.

Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug waxaa gaaray Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ka socda dalka Djabuuti oo qayb ka ah Howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Saraakiisha Qaybta 21aad, Xildhibaano heer Federaal ah iyo qaar ka mid ahbulshada ayaa soo dhoweeyey ciidamada gaaray Dhusamareb.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo maray magaalada Guriceel waxaana soo dhowayn loogu samaynayaa garoonka kubbada cagta ee Dhusamareb.

Amisom ayaa la filayaa in ay la wareegto ammaanka goobaha muhiimka ah ee magaalada sida garoonka diyaaradaha.