Somali News

SAWIRRO:-R/Wasaare Kheyre oo maanta gaaray Kismaayo.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleed Jubbaland iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalada xeebeedka Kismaayo.

Xasan Cali Khayre oo hadal kooban ka jeediyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa Madaxda Jubbaland iyo shacabka Kismaayo kaga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen waxuuna sheegay in kismaayo uu joogi doono maalmo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.