Somali News

Shabaab iyo daacish oo ku dagaalamay Gobalka Bari.

Boosaaso-KNN-Wararka laga helayo Gobalka Bari ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish uu maanta ka qarxay deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas iyo madaafiic culus oo labada dhinac ay is-ku adeegsanayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Daacish ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya Al-shabaab iyo Daacish.

Ma jiraan weli wax faah-faahfaahin ah oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa.

Cabsi badan ayaa xilligan soo wajahday Shacabka ku nool deegaanada ay weli ku dagaalamayaan Al-shabaab iyo Daacish.