Somali News

Shacab ku dhintay Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 2 ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, qof kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Qarax miino oo wadada dhinaceeda la geliyay, kaas oo maanta ka dhacay meel u dhaw Isgoyska Carwo Itko ee gobolkaan Banaadir.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in qaraxa ka dhacay goob Ciidanka Booliska ay ku baaraan Gaadiidka oo ku taala Isgoyska Carwo Itko.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in markii qaraxa dhacayay ay goobtaasi ka maqnaayeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee fariisinka ku leh Isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho.