Somali News

Sharci dajiyaasha Iran oo dalbaday in ladhameeyo xiisada kala dhaxaysa Mareykanka

Muqdisho-KNN-Xubin sare oo katirsan Baarlamaanka dalka Iran ayaa ku baaqay in wadahadal lalafuro Mareykanka si loo dhameeyo xiisada sii xumaanayso ee ka dhaxayso labada wadan.  

Hashmatullah Falahat Pishe, oo ah madaxa gudiga amniga iyo siyaasada arimaha dibada ee Baarlamaanka Iran ayaa sheegay in loo baahanyahay dowlad sadaxaad oo dhex dhexaadiso labada wadan.

Waxaa qasab ah in la’iskugu yimaado miiska wadahadalka iyadoona la’iskugu imaankaro dalalka Ciraaq iyo Qatar midkood ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Pishe.

Xiisada u dhaxeyso labada dal ayaa sara u kacday kadib markii uu maalmo kahor Mareykanka maraakiib iyo diyaarado dagaal geeyay bariga dhexe.

Mar lawaydiidayay madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump in uu qorsheenayo weerar uu ku qaado Iran ayuu sheegay in uusan taasi rajeenayn.