Somali News

Shiikh Cali Warsame oo ku geeriyooday dalka Urdun

Allah ha unaxariistee Shiikh Cali Warsame Xasan oo kamid ahaa culimadda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday dalka Urdun, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkiisa.

Waxaa la sheegay in shiikha uu u geeriyooday xanuun uu la taahayay muddooyinkii lasoo dhaafay.

Shiikh Cali Warsame Xasan ayaa Sanado badan ahaa daaci fidiya diinta islaamka ah, isagoo ka howlgalayay degaanadda Soomaalida gaar ahaa Soomaliland.