Somali News

Shiinaha iyo Soomaaliya oo heshiis kala saxiixday

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa la kulmay dhiggiisa Shiinaha XJ Ping, kahor inta uusan furmin shirka (FOCAC) ee iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa ku ammaanay madaxweyne Farmaajo isbaddalka iyo horusocodka Soomaaliya ka jira, sidoo kalana Farmaajo ayaa ku bogaadiyay XJ Ping kobaca dhaqaale ee xawliga ah ee dalkiisa ka socda.

Labada dawladood ayaa heshiis kala saxiixday, heshiiskaana waxa uu gundhig uyahay waxa loo yeero gaabayaasha dhaqaalaha “Belt and Road Initiative”.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi oo xoogan oo Shiinuhu waa dalka Labaad ee alaabaha ugu badan ay soomaalidu kasoo dhoofsato, marka laga tago Imaaraadka.