Somali News

Shiinaha: Ma ogolin cune-qabateyn la saaro Saraakiisha Ciidamada Myanmaar

New York-KNN-Danjiraha Maraykanka ee QM ayaa ka biyo diiday in Golaha QMM uu cunaqabatayn saaro dalka Myanmaar oo ay dhawaan ciidamada dalkaas afgambi talada ku qabsadeen.

Golaha amaanka ee Q,M ayaa isku raaci waayay in go’aan cunaqabatayn ah la saaro madaxda ciidamada afgambiga Mayanmaar ku qabsaday Shiinuhuna waxaa uu sheegay inay xal ahayn cunaqabatayn hase ahaatee loo baahanyahay in xaaladda wadankaasi qaab kale loo wajaho.

Shiinaha oo codka diidmada golaha amaanka ku dhex leh si cad ayuu uga horyimid in la cunaqabateeyo saraakiisha afgambiga hogaaminayay waxaana qoraal kasoo baxay xafiiska danjiraha Shiinaha lagu sheegay in xataa mar kale diidi doonaan haddii golaha la hor keeno.

Madaxda dawladaha caalamka oo aad uga walaacsan xaaladda dalka Myanmaar waxaana ay dalbanayaan in madaxda dawladii xukunka laga tuuray ee xir xiran la sii daayo.