Somali News

Shil diyaaradeed oo ka dhacay, wadanka Bakistaan

Midkamid diyaaradahaa ay leeyihiin militeriga wadanka Bakistaan ayaa  ku soo dhacday,   garoon  militeri  oo u dhaw magalada mainwali, diyaaradda ayaa waxaa tababar ku sameeyneyey, duuliyaal katirsan ciidan Cirka Dalka bakistaan.

Ilawareedyo dhanka militeriga ah ayaa warineya in labadii duuliye ee Diyaaradda lasocodey ay dhinteen, militeriga Dalkaasi mabixin wax faafaahin ah oo intaa dheer  sida oo kale  ma sheegin waxaa sababey in ay  Diyaaradda dhacdo.

 2018 ayaa waxaa sidaani oo kale  diyaaradd military oo ku soo dhacaday, waxaana sidaani oo kale ku geriyooday, isla duuliyaashii diyaaraddaasi  waxaa uuna shilkaasi  ka dhacay, meel u dhaw   garoon ay leeyihiin ciidanka Dalkaasi ee Peshawar.

 Sawiro laga soo qaaday, burburka diyaaradda ayaa waxaa ay muujineyaan  bubur baaxadlex oo diyaaradda soo gaarey, durba goobta waxaa soogaarey koox baariyaal ah oo dooneya in ay ogaadaan sababta keentey in diyaaraddu ay dhacday.