Somali News

Shil gaari oo ka dhacay Somaliland

Hargeysa-KNN-Saddex qof ayaa ku dhintay sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaadhi nooca qaadka qaada ah uu xoog ku galay kastamka Abaarso oo 20KM Hargeysa kaga beegan dhinaca Galbeed.

 Dhaawaca dadkaasi waxaa lagu daweynayaa xarunta cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Gaariga ayaa xawaare sare ku socday kadibna waxa uu ku leexday kastam, halkaasi oo uu jiiray dadkii ku dhawaa ee meheradaha ku haystay kastamka hortiisa.

Goobjoogayaal ayaa Radio Kulmiye u sheegay in qaad goor dambe soo galayay magaalada Hargeysa uu gaadhigu la ordayay si uu magaalada u gaadhsiiyo maadaama qaadka ka yimaada Itoobiya hakad ku yimid.

Hakadka qaadka ku yimid waxaa sababay deganaansha la’aanta maalmahaan ka jirta Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.