Somali News

Shir u furmay guddiga xalinta khilaafka doorashada iyo RW Rooble oo ka qeyb galay

Guddiga Farsamada ee ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta shir uga bilowday magaalada Baydhabo, xaruunta kumeel-gaarka ee Koofur Galbeed.

Shirka guddiga ayaa waxaa looga arrinsanayaa, qodobada la isku mari la’aa ee sababtay in uu natiijo la’aan ku soo dhammaado shirkii Dhuusamareeb ee socday 1-5 February.

Shirkan ayaa waxaa ku biiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo dhanka Internate-ka kaga qeyb galay, isagoo khudbad u jeediyay xubnaha guddiga.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

Guddigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa waxaa shalay magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble, waxayna ka koobanyihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka, dowlad-golleedyada iyo gobolka Banaadir.