Somali News

Shir u furmay Madaxda Afrika oo looga hadlayo Xaaladda dalal ay ka mid tahay Soomaaliya

Shir aan caadi aheyn ayaa magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea uga furmay Madax ka socota dalalka Afrika, kaasi oo looga hadlay arrimo ay kamid tahay Xaaladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa la qorsheeyay in uu socdo Jimcaha maanta ilaa Sabtida ayaa waxaa looga hadlayaa Xaaladaha ka soo cusboonaaday dalalka Afrika oo ugu horreyso Abaaraha iyo Afgembiga is xig xigay ee ka dhacay dalalka Galbeed Afrika iyo Suudaan.

Shirkaan oo ay ka qeybgalayaan wakiilo ka socda Dowladda Federaalka waxaa looga hadlaya xaaladda Abaarta daran ee ka jirto Soomaaliya ee Hay’addaha Caalamiga ka digayaan in ay isku badasho Macluul.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlaya falalka Argagixiso iyo sidii si wadajir ah dalalka isaga caawin la haayeen Howlgallada ay wadaan dagaalka ka dhanka ah Kooxaha.