Somali News

Shirka B/Carabta oo maanta lagu wado inuu ka furmo Jordan

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. C/Raxmaan ayaa maanta waxaa ka qeyb gali doonaa shirka 29aad ee Baarlamaanka carabta oo ka furmaya Magaalada Camaan ee Dalka Jordan.

Shirka ayaa  waxaa ka qeyb gelaya dhamaan Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Carabta ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Xalay Guddoomiyayaasha Baarlamaannada carabta  ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Camaan ee dalka Jordan.

Madaxda inta badan waxaa ay iska xog wareysanayeen xiriirka ka dhexeeya Guddoomiyaasha Baarlamaannada Carabta.

Maalinta beri ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo shirka maanta ka furmaya dalka Jordan.