Somali News

Shirka Golaha wasiiradda oo go’aan looga gaaray 12 Safiir

Shirka Golaha wasiiradda Soomaaliya ee khamiislaha oo maanta ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa golaha wasiirada la horgeeyay, liis illaa 12 Safiir kuwaasi oo uu soo gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Golaha wasiiradda oo dood dheer ka yeeshay xubnahan safiirada ayaa Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu amray in la celiyo liiskan isla markaana dib u eegis lagu soo sameeyo.

Ilo ku dhaw xafiirka Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in arrintan ay sababtay kadib markii qaar kamid ah golaha wasiiradda oo ka soo jeeda maamulka Koofur Galbeed ay ku tilmaameen ‘liis ay ku jiraan xubno hal beel ah’ isla markaana uusan ka turjumeyn nidaamka awood qeybsiga ee lagu heshiiyay.

Xubnahan 12 safiir ah ee la celiyay waxaa ku jira wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Cabduqaadir Axmed Kheyr.

Hoos ka akhriso magacyada safiirada la celiyay.