Somali News

Shirka Golaha Wasiiradda oo looga hadlay dagaalka Al-shabaab

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.