Somali News

Shirkii Dhuusamareeb Saddex oo la soo xiray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo xiray Shirkii wada tashiga ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada ee ka socday magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa khudbado kala duwan jeediyay, iyagoo ka warbixiyey Geeddi socodka dheeraa ee loo soo maray sidii looga miro dhalin lahaa wadahadalladan horseeday Heshiiska Hannaanka Doorashada dalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo khudbad ka jeediyay Xaflada xiritaanka shirka ayaa ka warbixiyey dadaalkii mugga weynaa ee la geliyey sidii ay uga soo qeyb gali lahaayeen dhammaan Dowlad Goboleedyada, taas oo xoojinaysa isu-tanaasulka, is ogolaanshaha iyo ka shaqeynta danta guud.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dul istaagay hannaanka loo maray heshiiska doorashooyinka dalka, caqabadaha ku xeernaa iyo dadaalka mugga weyn ee Madaxdu ay ku bixiyeen qorsheynta doorasho ka turjumaysa duruufaha dalka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii ambaqaado Heshiiska Dhuusamareeb 3, kaas oo ku yimid dadaal heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo mug weyn.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiiska Shirku uu ku saleysan yahay aragti wadaag loo dhanyahay, Muwaadin kastana uu waajib ka saaran yahay qabsoomidda doorashadan.

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray shirka ayaa baaq u diray Dowladd goboleedyada Ka maqnaa shirka isagoo ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhamaystirka wixii shaqo ah ee harsan.

“Maadaama Doorashadu ay tahay mid heer Federaal ah heshiiska aan halka ku gaarnay waa mid aan u qaadnay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, annagoo ugu baaqayna walaalaha ka maqnaa Shirka in ay ku soo biiraan dhammeystirka wixii shaqo ah oo inoo dhiman.”

Sawirro