Somali News

Shuruudo lagu xiray qofka u tartamaya guddoonka baarlamanka Galmudug oo la shaaciyey

Muqdisho-KNN-Guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug ayaa maanta shaaciyey shuruudaha laga doonayo qofka u tartamayo xika guddoomiyaha baarlamanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.

Shuruudaha guddiga ay soo saareen, oo ka kooban sided qodob, ayaa waxaa ugu muhiimsan in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaannada Galmudug, sidoo kalena uu heysto shahaado Jaamacadeed ama wax u dhigma.

Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in ugu yaraan uu leeyahay shan-sano oo khibrad hoggaamin maamul ah iyo inuusan gelin fal dambiyeed uu ku muteystay xukun maxkamadeed.

Musharaxa guddoomiyaha ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa lacag 10,000 oo dollar ah, halka musharaxa guddoomiye ku-xigeenka koowaad laga rabo 5,000, ayada oo kan labaadna laga doonayo 2,500.

Hoos ka akhriso warqadda shuruudaha