Somali News

Sicir barar xoog leh oo ka jira Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Sicir barar baahsan oo xoog leh uu ka jiro magalaadaas, taas oo saameyn ku yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada halkaas ku nool.

Ganacstada magaalada Beledweyne ayaa waxa la sheegay in ay bilaabeen in ay joojiyaan iibinta badeecadahooda, Sida ay xog ku heshay KNN.

Arrintan ayaana salka ku heysa laba arrimood oo kala ah badeecadihii magaalada Beledweyne kaga imaanayay magaalada Boosaaso Inuu gaabis ku yimid sababo la xariira bedxiran jira.

Waxaa ayna taasi keentay in ganacsatada Boosaaso badeecadaha usoo iib geyn jiray magaalada Beledweyne ay inta badan joojiyaan, maadaama bedxiranka uu saameyn ku yeeshay.

Arrinta labaad ayaa ah in buubuur tiro yar oo badeecado sida kuna soo wajahnaa Beledweyne lagu soo rogay canshuur dheeraad ah.

Waxaa la sheegay in ay canshuurtan kusoo rogeen dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo ku sugan inta u dhaxeysa degmooyinka Beleddweyne iyo Matabaan, Intaas waxaa magaalada Beledweyne markii hore usii dheeraa lacagta shilinka Soomaaliga oo aan ka shaqeeneynin.