Somali News

Xildhibanada BFS ee laga soo doorto G/Sanaag oo war ka soo saaray Arrinta Gobollada SSC

Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa war ka soo saaray Arrinta Gobollada SSC

Xildhibaannada Gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa soo dhaweeyay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC ee Laascaanood lagu qabtay.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay caddeeyaan Mowqifkooda xasuuqa lagu hayo shacabka SSC gaar ahaanna Laasxaanood.