Somali News

Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Laascaanood

Somaliland ayaa ka hadashay dagaalkii maanta saacadaha badan ka socday magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, iyada oo sheegtay ku dadaaleyso si kasta oo looga fogaan karo dagaal.

Qoraal ka soo baxay Maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu yiri.

“Xukuumadda Somaliland waxay fududaysay dhamaan tabihii nabadeed ee lagu heli lahaa, si arrimaha la isku hayo loogu dhammeyo wada hadal, si looga fogaado dhiig daata,

Iyadoo ay socoto dhexdhexaadin aan rasmi ahayn, ayaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhaqamadda ee guddoominayay shirka Laascaanood, waxayna dagaal ku soo qaadeen saldhigyo ay ciidamada dawladdu ku leeyihiin gudaha iyo hareeraha magaalada Laascaanood”

Qoraalkan ayaa ku soo aadaya xilli maanta in ka badan 20 ruux ay ku dhinteen dagaal saacado badan ka socday Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidanka Somaliland iyo dadka Magaalada.