Somali News

Soomaaliland iyo Puntland oo ciidamo hor leh geynaya Deegaanada ay isku hayaan.

Muqdisho-KNN-Wararkii ugu dambeeyay naga Soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisadii u dhexeysa Soomaaliland iyo Puntland cirka isku shareertay, iyadoona la soo warnayo in Soomaaliland ay  ciidamadii ugu badnaa ay geysay  magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka howlgali doonaan deegaano dhowr oo ka mid ah Jiidali, Yubbe iyo qaybo kamid ah gobolkaasi Sanaag.

Dhanka Kale maamulka Puntland ayaa iyaguna waxaa ay maanta ciidamo hor leh ay u direen Deegaano u dhow Magaalada Ceerigaabo , waxaana laga cabsi qabaa in dagaal ka dhan ah ciidamada Somaliland iyo Puntland uu ka dhaco Gobalka Sanaag.

Odyaasha dhaqanka ayaa ku baaqay in ay labada dhinac ay joojiyaan abaabulka ay ka wadaan deegaanada ka tirsan gobalka Sanaag.

Xaalada ayaa maanta u muuqata  mid aad u kacsan, iyadoona ay xusid mudan tahay in maalmo ka hor ay Puntland wasiiro  iyo xildhibaano u dirtay magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag.