Somali News

Soomaaliland oo fariin u dirtay Puntland

Hargeysa-KNN-Afhayeenka Ciidanka Soomaaliland Gaashaanle Sare Cabdiraxamaan Cabdullaahi Xasan oo warbaahinta la hadlay  ayaa waxaa uu faahfahin ka bixiyay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Gambadhe ee Koofurta Magaalada Laasa caanood ee Gobalka Sool.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamadooda, islamarkaana ay iska caabiyeen weerarkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ciidanka Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka Somaliland ay jawaab ka bixiyeen weerarka, islamarkaana hal baabuur ku qabsadeen, kuna dhawaaceen 4  askari.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan eeda kaga timid Soomaaliland.