Somali News

Soomaaliland oo ka hadashay dagaal beeled ka dhacay Sanaag

Hargeysa-KNN-Maxamed Muuse Diiriye Wasiirka warfaafinta  Soomaaliland ayaa waxaa uu si kulul ugu hadlay dagaal beeled maalin ka hor ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobalka Sanaag.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo sababay dhimashada hal qof,halka qofkalana uu ku dhaawacmay.

Wasiirka warfaafinta ayaa waxaa uu tacsiyay hal qofka ku dhintay dagaalka, isagoona ciidamada ku amaray in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilka, waxaana uuna ka digay in dagaal beeleed uu ka dhaco deegaanka Ceel Afweyn ee Gobalka Sanaag.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa shaaca ka qaaday in Soomaaliland aysan marnaba aqbali doonin dagaal beeleed ka dhaca ka deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag.