Somali News

Soomaaliland oo u dabaal dageysa gooni isu taageedii 18-ka May

Hargeysa-KNN-Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliland waxaa maanta laga oogaya, munaasabadda 28 guurada Xuska 18-ka May oo ah maalintii ay Soomaaliland sheegatay inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Bartamaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa haatan iskugu soo baxay dadweyne farabadan iyo ciidamada kala duwan ee Soomaaliland oo halkaasi gaada kaciyaar kusoo ban dhigaya, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan fagaaraxa  magaalada Hargeysa, oo uu ka soconayo xuska maalinta 18ka May.

Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer 18-kii May 1991-kii shirweyne ka dhacay oo ay hoggaan dhaqameedkii bulshooyinkii ku noolaa deegaanada Soomaaliland waxa ay ku go’aansadeen in ay sameystaan dal ka madax banaan Soomaaliya inteed kale.

Haatan oo markii soomaaliland ay gooni isu taagtay laga joogo 28 sano ayaa waxaa shaki weyn uu ku jiraa in bulshada reer soomaaliland ay isku raacsantahay xuska maalintii gooni isu taaga ee 18-ka May.

Waxaa jira dad badan oo xabsiga ugu jira arintaas oo ay ugu danbeeyeen laba ruux oo laxiray is Todobaadyadii lasoo dhaafay kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo asagu sheegay in xuska maalinta 18ka may aysan aheyn maalin qaran balse ay tahay maalin ugaar ah Jamhadii SNM.

Sidoo kale waxaa Todobaadkii la soo dhaafay xabsiga la dhigay wiil dhalin yaro ah oo kusoo labistay dhar uu ku xardhanyahay Calanka jamhuuriyada Soomaaliya.