Somali News

Soomaaliland oo xaalad deg deg ah Ku soo rogtay Deegaano ka tirsan Sanaag

Hargeysa-KNN-Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland ayaa maanta xaalad deg-deg ah waxaa uu ku soo rogay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Deegaanada xaalada deg deg ah ee lagu soo rogay ayaa waxaa ka mid ah Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-Afweyn ee Gobalka Sanaag.

Afhayeenka madaxtooyada Sooomaaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amarkan uu ka soo baxay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Afhyeenka ayaa sheegay in in xaaladda deg deg ah ay soconaysa muddo saddex bilood ah.

Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii shalay labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada Somaliland ah lagu dilay deegaanka Gar-adag ka tirsan Gobalka Sool.