Faalooyin Somali News

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wadda hadlay iskaashiga dhinaca warbaahinta.

Muqdisho-KNN-Wasiirka warfaafinta XFS Senator Cusmaan Abokar Dubbe ayaa magaaladda Adis ababa kula kulmay wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dowladood iyo iskaashiga dhinaca warbaahinta.

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaa qiray in Soomaalida xilligaan ay aad ugu horreeyaan warbaahinta cusub ee social media ah ayada oo Itoobiya ay aad ugu xoogan tahay warbaahinta soo jireenka ah ee Mainstream-ka loo yaqaano.

Labada wasiir ayaa inta kulankooda uu socday isla soo hadal qaaday dhibaatadda iyo fitnada wararka beenka ah Fake news ku hayaan amniga iyo dowladnimada iyo sidii la isaga kaashan lahaa in wadajir looga hortago.

Kulanka labada wasiir waxaa sido kale xoogga lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo sido kale warbaahinta waxaana dhinacyada ay isla garteen in wada galo heshiisyo arrimahaas ku saabsan mustaqbalka dhow.

Kulanka waxaa ku wehlinayay Safiirkeena Ethiopia Ambassador Gen. Abdullahi Ahmed Jaamac ilka Jiir iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaraddda Abdulahi Abdirizak