Somali News

Soomaaliya & Jarmalka oo kulan ka yeeshay Abaaraha

Ergeyga madaxweynaha JFS u qaabilsan gurmad abaaraha iyo arrimaha bini,aadannimada ayaa la kulmay xoghayaha koowaad ahna madaxa howlaha bini,aadannimada ee Danjirtada Jarmalka.

Ergeyg Cabdiraxman ayaa Mr Martin Stein ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha gargaar ee Dowladda Jarmalku ka waddo Soomaaliya.

Ergeyga oo intaas kadib uga mahadceliyay dowladda Jarmalka sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Jarmalka ee deeqbixiyaha labaad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.

Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay Safaaradda Jarmalka siyaabaha ay gacan uga geysan karaan u qareemidda abaaraha Soomaaliya gaar ahaan soo jeedinta indhaha reer Yurub iyo gacan ka geysasashada xiriirka xafiiska Ergeyga iyo Qurba joogta Soomaaliyeed ee Jarmalka iyo Yurub.

Xoghaye Martin oo bogaadiyay dedaallada muuqda ee Dowladda Soomaaliya ku bixineyso arrimaha bini,aadannimada gaar ahaanna fududeynta howlaha gargaarka ayaa u ballan qaadey Ergeyga in Dowladda Jarmalku sii wadi doonto iska xilsaarista gargaarista Soomaaliya.