Somali News

Soomaaliya oo safiirka Indonesia ka gudoontay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Muqdisho-KNN- Cabdulqaadir Axmed-kheyr, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiiga oga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka Indonesia u qaabilsan Soomaaliya Soehadjono Sastromihardjo.

Labada masuul ayaa Intii uu kulanka socday ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya iyo dadaal ku bixinta sidii loo dhowri lahaa, loona horumarin lahaa xiriirkaas oo dhinacyo badan leh.