Somali News

Suudaan oo yeelatay Xukuumad Cusub

Muqdisho-KNN-Cabdalla Xamdook raysal wasaaraha cusub ee dalka Suudaan,  ayaa ku dhawaaqay magacyada golaha wasiirada cusub ee uu dalkaas markii ugu horaysay  yeelanayo tan iyo markii la sameeyay dowladda kumeel gaarka  ah , waxaana dawladda hogaaminaya  hogaamiyeyaal is kugu jira Mileteriga iyo Mucaaradka, iyagoo awoodda dalkaasi hayn sii hayn doona mudo sadex sanno ah

Golaha wasiirada cusub  ee uu shaaciyay raysal wasaare Cabdalla Xamdook ayaa gaaraya 18 xubnood oo 4 xubnood oo ka mid ahi ay yihiin haween

Asmaa Cabdallah ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda, waxana ay noqonaysaa markii ugu horreysay ay haweeneey wasiir arrimo dibadeed ka noqoto Suudaan.

Ibraahim Axmed Al Badawi ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda ee Suudaan.

Jamaal Cumar ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee Suudaan, isagoo horay u ahaa Janaraal ka tirsan ciidamada Suudaan .

El-Trafi Dafallah ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha, isagoo  horey u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliska Suudaan.

Ra’iisul wasaare Xamdook ayaa waxaa uu kasoo shaqeeyay guddiga dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey.

Waxaa uu sheegay markii uu ku dhawaaqayay golaha wasiirada in sababta loo sameeyay dowladda kumeel gaarka ah ay tahay soo afjaridda qalalaasaha iyo xoojinta nabadda Suudaan.