Somali News

Tahriibayaal ay Soomaali kamid yihiin oo ku dhintay Doon dab ka kacay.

Ugu yaraan afar muhaajiriin ah ayaa dhimatay shan kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu dab ka kacay dooni ay la socdeen Tahriibayaal Soomaali ku jirto xeebaha Talyaaniga.

Ilaa hadda ma cadda waddamada ay u dhasheen Afarta qof ee geeriyooday balse Tahriibayaasha doonta la socday ayaa ka soo kala jeeday Waddamada Masar, Soomaaliya, Pakistan iyo Sri Lanka.

Doontan dabku qabsaday ayaa ka soo baxday Xeebaha waddanka Liibiya iyagoo Tahriibayaashu beegsanayay Waddamada Yurub.