Somali News

Taliska Ciidanka Asluubta oo beeniyay in Xabsiga dhexe lagu dhaawacay Nin Ajnabi

Muqdisho-KNN-Cabdikariin Cali Afrax oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay wararka sheegaya in maxaabiis Daacishnimo ku eedeysaan ay habeen hore ku dhaawaceen xabsiga Dhexe nin Ajnabi oo maxbuus ah, kaasoo dhawaan laga soo xiray Garoonka Muqdisho, kaddib markii lagu qabtay walxo laga shakiyay oo uu diyaarad la raaci rabay.

Gen Cabdikariim ayaa sheegay in labo ruux oo isugu jiray Al-Shabaab iyo Daacish ay isku dayeen inay dhib gaarsiiyaan, balse arrintaas uu ka war helay Taliyaha Xabsiga, kaasoo fashiliyay qorshahaas sida uu hadalka u dhigay.


Waxaa uu sheegay in Saraakiil Ajnabi ah oo ka socday Shirkadda Bancraft iyo kuwa kale ay soo booqdeen ninka ajnabiga ee u dhashay dalka Ingiriiska, isla markaana ay qireen in aysan wax dhib ah gaarin. Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in Xabsiga ay ku xiran yihiin dambiilayaal kala duwan oo isugu jiray Daacish iyo Shabaab.
Ninkan u dhashay Ingiriiska oo lagu magacaabo Anthony Thomas ayaa todobaadkii hore ay Maxkamadda Gobolka Banaadir amartay in lagu sii haayo Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.