Somali News

Talyaaniga oo ogolaaday hir-gelinta mashruuc muhiim u ah magaalada Beledweyne

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiir ku-xigeenka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Tabio Massimo,waxayna ka wada hadleen wax ka qabashada Arrimaha Fatahaadda Beledweyne, waxaana Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruuci in dhowaanba la sugayay ee ka hortaga Fatahaada Mashruucaasi oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar (6,000,000$).

Safiirka ku-xigeeknka ayaa u sheegay madaxweynaha in lacagtaas Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay ay ku  doonayaan in wax looga qabto  Arrimaha Fatahaadaha Beledweyne ee soo noq noqday, waxaana madaxweyne Waare uu kaga Mahadceliyay Caawinaada Talyaaniga.

Qorshahan la xiriirta ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee ka hortaga Fatahaadda Beledweyne ayaa waxay ka dhigan tahay Guul muujineysa dadaalka socda ee la xiriira arrimahaas wax ka qabashada arrimaha Fatahaada.

Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha ayaa waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey’adda Cunada iyo Beeraha ee FAO.