Somali News

Tirada dadka ku dhintay dhul gariirkii Morocco oo gaartay 1000 ruux

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 ayaa ku dhuftay bartamaha dalka Marooko, waxaana ku dhintay ugu yaraan 1,000 qof, waxaana uu geystay khasaarooyin kala duwan.

Meesha xudunta u ah ayaa ku taalla buuraha Atlas ee sare, oo 71km (44 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Marrakesh, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka.

Dhulgariirka ayaa dhacay 23:11 wakhtiga maxaliga ah (22:11 GMT) Jimcihii.