Somali News

Tirada dhimashada dhul gariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya oo kor u dhaaftay 5,000

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada ku dhuftay koonfurta bari ee Turkiga ay gaartay 3,419, taasoo wadarta guud ee ay ku jiraan kuwa lagu dilay waqooyiga Suuriya ka dhigaya in ka badan 5,000.

Dhulgariirkii ugu horeeyay oo cabirkiisu ahaa 7.8 ayaa subaxnimadii isniinta dhulka dhigay dhismayaal iyadoo dadku hurdayeen waxaana xigay dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 7.6 saacadood kadib markii ay dhaceen dhowr ruxood.