Somali News

Tobaneeyo kun oo qof oo dibad baxyo kawada wadooyinka Israel

Tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa sabtidii dhigay mudaharaad toddobaadle ah oo ay kaga soo horjeedaan isbedellada dhinaca garsoorka ah ee ay waddo xukuumadda Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Dibad-baxayaashu waxay socod ku mareen laba goobood oo ku yaalla bartamaha magaalada xeebta ah ee Tel Aviv, iyagoo lulaya calamo, isla markaana ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah wasiirka caddaaladda.

Boorar uu ku dheggan yahay dhakhtar ku sugan bannaanbaxa Tel Aviv ayaa u qornaa: “Dhakhaatiirtu waxay u dagaallamayaan nolosha dimuqraadiyadda.”

Mudaaharaadyo yaryar ayaa sidoo kale laga soo sheegay dhowr magaalo oo Israa’iil ah.