Somali News

Trump oo ka digay in xiriir ganacsi lala yeesho Iiraan.

Madaxweeynaha Mareeykanka Donald Trump ayaa digniin culus waxa uu kasoo saaray wadamada xiriirka ganacsi la sameeynaya Iiraan.

Qoraal uu soo dhigay  barta uu ku leeyahay mareegta Twitter-ka ayuu ku sheegay in maanta ay dhaqan gashay cunaqabateyn cusub oo mareeykanku uu Iiraan saaray loona baahanyahay in arintaa ay dhaqan gasho.

“Cunaqabateynta Iiraan caadi ahaan wey dhaqan gashay, waxaa jiri doona kuwa badan oo jabin doona xanibaaddaa, Bisha November ee sanadkan cunaqabateyntu way siyaadi doontaa, cid walba oo Iiraan beec mushtar la gasha,Mareeykanka xiriir ganacsi lama yeelan doonto, caalamka nabad ayaan ugu yeeray”. Sidaa ayuu kusoo qoray Trump bartiisa Twitterka.

Maanta ayay si rasmi ah udhaqan gashay cunaqabteynta cusub ee Mareeykanku uu saaray Iiraan.