Somali News

Tuhun ka dhashay guddi soo jeediyey Kenya loo abuuro jago ra’iisul wasaare

Guddi-hawleed Kenyan ah ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday talooyin la xiriira isbeddelo lagu sameeyo dastuurka dalka, taasi oo ay qeyb ka tahay in la abuuro jagada ra’iisul wasaraaha, si loo yareeyo rabshdaha siyaasadeed.

Warbixin muddo la sugayey, oo loo gudbiyey madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ninkii ay loolami jireen ee ay hadda xulufada noqdeen ee Raila Odinga, ayaa guddi-hawleedka waxay ku shaaciyeen natiijada wada-tashiyo ay wadeen laba sano, oo la xiriiray sidii loo xoojin lahaa midnimada dalka, loogana baaqsan lahaa rabashadaha hareeyey doorashooyinkii hore.

Talooyinka kama dambeysta ah ee hindisahan loogu magac daray BBI, ayaa ka dhashay heshiis lama filaan oo dhex-maray Kenyatta iyo Raila Odinga, balse uu kasoo horjeestay madaxweyne ku-xigeenka William Ruto, oo hadda u muuqda mid gees loo riixay.

Hindisaha BBI ayaa dhaliyey tuhuno ku saabsan in Kenyatta iyo Odinga ay dhidibada u taagayaan isbaheysi cusub oo ay ku galaan doorashada xigta.

Ka sokow hindisooyinka ay soo jeediyeen guddiga ee la xiriira horumarinta hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah, waxay sidoo kale ku taliyeen in la abuuro jagada ra’iisul wasaaraha iyo laba ku-xigeen.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in musharaxa kaalinta labaad ka gala doorashada madaxweynaha loo aqoonsado hoggaamiyaha mucaaradka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa xildhibaanada xisbiga haysta aqlabiyadda Golaha Qaranka kasoo xulaya madaxweynaha, wuxuuna kala shaqeynayaa dhismaha xukuumadda, sida lagu yiri warbixinta.

Kenyatta uma tartami karo xilka madaxweynaha markii saddexaad 2022, waxaana isku daygiisa la xiriira isbedello la sameeyo, oo uu kala shaqeynayo Odinga, ay abuureeen tuhuno ku saabsan in labada nin ay raadinayaan inay wadaagaan awoodda.

Kenyatta ayaa ku gacan seeray tuhunadan, sidoo kalena Odinga ayaa ku qeexay “dacaayad.

AFP – VOA