Somali News

Turkiga oo ciidamo u diraya gobolka ay ku dagaalameen Armenia iyo Azerbaijan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii weydiistay baarlamanka inay ansixiyaan ciidamo loo dirayo dalka Azerbaijan, si ay halkaas ugula biiraan ciidamo Ruush ah oo kormeerayaal ay ka wada noqdaan xabad-joojinta gobolka Nagorno-Karabakh.

Codsiga Erdogan ayaa yimid kadib laba maalmood oo uu saraakiil Russian ah wada-hadallo kula lahaa Ankara, kuwaasi oo ku saabsanaa sidii ay labada quwadood ee gobolka ku hirgelin lahaayeen xabad-joojinta la saxiixay toddobaadkii tegay.

Turkey waa mid ka mid ah xulufada ugu dhow Azerbaijan, waxayna difaaceysay xuquuqda ay dib ugu heleyso dhulka ay qabsadeen gooni u goosatada Armenian-ka kadib dagaal socday 1988 illaa 1994-kii.

Heshiiska Azerbaijan iyo Armenia oo la saxiixay toddobaadkii tegay ayaa waxaa ka shaqeeyey Ruushka, kadib markii Azerbaijan ay dhul badan ku qabsatay.

Ciidamada Turkiga uu dirayo ayaa dalkaas joogi doona muddo hal sano ah, waxaana tiradooda go’aan ka gaari doona Erdogan, haddii baarlamanka uu ogolaado.

Ruushka ayaa diraya 1,960 askari oo nabad ilaalin ah.

Moscow ayaa marar badan ku cel-celisay in heshiiska uusan ku jirin in Turkiga ay ciidamo geeyaana Azerbaijan, balse waxaa hadda muuqata inay jiri doonaan ciidamo Turkish ah oo qeyb ka ah nabad ilaalinta.

AFP